Tuesday, July 15, 2025

Wakiil Dowladda Imaaraadka u magacawday Somaliland oo waraaqaha Aqoonsiga laga guddoomay

Dowladda Imaaraadka ayaa wakiil u qaabilsan Somaliland u dirtay magaalada Hargeysa, kaasoo waraaqihiisa aqoonsiga maanta guddoonsiiyey Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Wakiilka cusub ee Imaaraadka u fadhin doona Somaliland Abdulla Alnaqbi ayaa sheegay inuu salaan uu ka siday madaxda Imaaraadka gaarsiiyey madaxweynaha Somaliland, isagoo ka mahad celiyay sida loogu soo dhoweeyay Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland ayaa dalka imaaraadka carabta uga mahadnaqay xoojinta iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeyey mudada dheer iyo maalgelinta ay ku dhiiradeen inay Somaliland ka fuliyaan oo Imaaraadku noqday dalkii ugu horeeyey ee maalgelin baaxad leh ka fuliya Somaliland.

May be an image of one or more people, people sitting and indoor
May be an image of one or more people, people standing and people sitting

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON