Friday, June 27, 2025

Wakiilada Ma-gafe iyo tahriibka degaanada Puntland oo la qabtay lana soo bandhigay (Daawo)

Masuuliyiinta Gobolka Bari ee Mudug iyo Saraakiisha Laamaha Amniga Gobolka Bari ayaa maanta Magaaladan Boosaaso kusoo bandhigay rag la sheegay inay wakiil uga yihiin degaankaasi MAGEFE oo  tahriibka u qaabilsan.

Gudoomiyaha gobolka Bari Dr. Yuusuf Maxamed Waceys (Dhedo), Taliyaha Qeybta Booliska Bari C/xakiin Yuusuf Xuseen iyo taliyaha ciidanka Dekedda Boosaaso Maxamed Cali Xaashi ayaa goobjoog ka ahaa xafladda. Waxaa Saxaafadda loo  soo bandhigay laba nin oo la soo qabtay kuwaas oo dhalinyarada tahriibin jiray, Sidoo kalana waxaa la soo bandhigay Sagaal Nin oo dhalinyaro ah oo iyaguna la sheegay in xiligii howlgalku uu socday la soo qabtay xilli la tahriibinayay.

Mid ka mid ah labada nin ee la soo bandhigay ayaa ahaa Ajinabi u dhashay Dalka Yemen, halka ninka kalena uu ahaa Soomaali ka shaqeyn jiray tahriibinta Dhalinyarada, waxaana soo qabashadoda gacan ka siiyay nin ka mid ahaa iyaga oo ka horyimid falkaas, Sida Masuuliyiintu shaaciyeen.

TAHRIIBIYE
WAKILADA MAGEFE

 

vlcsnap-2015-09-14-14h18m29s210
DHALINYARO LA TAHRIIBINAYAY

 Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON