Wakiilka cusub ee xoghayaha guud ee Q/Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.
Mr. Nicholas Haysom ayaa soo dhoweyn diiran loogu sameeyay garoonka Muqdisho, waxaana halkaasi uga hortegay madaxda xafiiska UNSOM ee Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.
Waxaa maamuus u sameeayy ciidamada UN-ka ee ka socda Uganda, kuwaasoo magaalada Muqdisho u jooga ilaalada madaxda UN-ka iyo xarunta UNSOM ee Soomaaliya.