Howlgalka Midowga Afrika ayaa shaki ka muujiyay in la gaari karo hadafkii laga lahaa ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya.
Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa qirtay in qorshaha Midowga Afrika iminka ku tiirsan kaliya weerarada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay suurtagal tahay inuusan ku guuleysan inuu Soomaaliya u horseedo xasilooni waarta.
Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa ku baaqay in la kordhiyo ciidamada Amisom, si dowladda cusub ee Soomaaliya iyo ciidamadeeda amniga gacan looga siiyo inay xukumaan goobaha horey looga xoreeyey Al-Shabaab.
Madeira ayaa ka deyriyay ciidamada ammaanka Soomaaliya oo uu sheegay inaysan ku sugneyn xaalad ay awoodaan inay ka taliyaan goobaha Al-Shabaab laga xoreeyey.
Ciidamada Soomaaliya ayuu Madeira sheegay inay ahayd inay la dagaalamaan Alshabab ay AMISOM ka sugaan inay iyagii ilaaliso, sida uu hadalka u dhigay, wuxuuna sii raaciyay: Amisom ay dhinac kala dagaalameyso Al-Shabaab, dhinaca kalena ay ka ilaalineyso dowladda Soomaaliya.
Waxaa la joogaa, ayuu yiri, waqtigii aan caddeyn lahayn in Amisom aysan weligood joogi doonin Soomaaliya, waxaana uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay u baahan tahay ciidamo si buuxda u shaqeeya oo maamula goobaha Amisom ay ka xoreyso Al-Shabaab.