Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa shalay iyo maanta kulamo kala gaara la yeeshay Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh iyo Cabdi Xaashi C/llaahi.
Kulamada ayaa ujeedka ugu weyn uu ahaa in madaxda dowladda Somalia lagu soo gaarsiiyo isbedelka lagu sameeyay howlaha ay u xil saaran tahay AMISOM, kadib go’aankii ugu danbeeyay ee Golaha Amniga, ciidamo kale oo gaaraya 1000 askari oo laga dhimayo AMISOM iyo qaabka u shaqeyn doonto AMISOM ilaa 2020-ka.
Qoraal uu soo saaray Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia kadib kulankii uu la yeeshay Madaxweyne Farmaajo ayuu uga hadlay hiwsha cusub ee AMISOM iyo iskaashiga dowladda Federaalka ay la yeelan doonaan, waxaana qoraalkiisa ka muuqday in AMISOM isbedel ku yimid.

Kulankii ugu danbeeyay ee maanta dhex maray Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi iyo Wakiilka gaarka ah Midowga Afrika Danjire Francisco Madeira ayuu Aqalka Sare shaaciyey in kulanka looga hadlay arrima dhowr ah oo ay kamid tahay; Awoodaha loo xilsaaray (Mandate) Amisom oo wax ka bedel Cusub lagu sameeyay goor dhow iyo Dowlad Goboleedyada sidii xalinteeda looga qeyb qaadan lahaa.
Aqalka Sare ayaa sheegay in Danjire Francisco Madeira uu weydiiyay macluumaad ku saabsan Shirka Garowe ee ay Maddaxda Xukuumada iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay isugu yimadeen asagoo ka wareystay Gudoomiyaha Aqalka Sare-BFS.