Friday, June 27, 2025

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo Farriin u diray Dadweynaha Soomaaliyeed [Akhriso]

Wakiilka Q/Midoobay ee Soomaalya James Swan oo kasoo jeeda dalka Mareykanka ayaa farriin uu ku soo beegay maalinta nabadda adduunka ee 21-ka September u diray dadka Soomaaliyeed.

James Swan ayaa farriintiisa ku sheegay in Dadka Soomaaliyeed u baahan yihiin in lasoo afjaro dilka macne darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer u soo joogeen, isagoo ugu baaqay dadweynaha inay gacan ka geystaan xaqiijinta Nabad waarta oo Soomaaliya ka dhacda.

HOOS KA AKHRISO FARRIINTA WAKIILKA Q/MIDOOBAY EE SOOMAALIYA

“Dadka Soomaaliyeed waxay aad ugu baahan yihiin in la soo afjaro colaadda iyo toogashada macno darrada ah iyo qaraxyada ay muddada dheer usoo joogeen. Waxaan bogaadineynaa dadaallada joogtada ah ee ay waddo Dowladda Soomaaliya, oo ay taageerayaan saaxiibbada caalamka, si loo hagaajiyo amniga loona soo afjaro rabshadaha. Nabad waarta  waxay sidoo kale u baahantahay hanaan dowladnimo oo loo wada dhan yahay, cadaalad loo siman yahay, iyo wada hadal joogto ah oo dhexmara dadka Soomaaliyeed ee wanaagga iyo samaha jecel si loo gaaro is-afgarad siyaasadeed iyo dib-u-heshiisiin qaran, Maalintan maanta ah, waxaan ku boorinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed inay sii xoojiyaan  go’aankooda ah inay  kuwada noolaadaan midnimo, si ay Soomaaliya ugu tallaabsato waddada nabadda iyo xasilloonida.

Golaha loo Dhanyahay ee Qaaramada Midoobay ayaa aasaasay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda sanadkii 1981. Labaatan sano ka dib, 2001, Golaha loo Dhanyahay wuxuu si wada jir ah ugu codeeyey in maalintaas loo asteeyo inay noqoto xilli rabshad la’aan iyo xabbad-joojin lagu xuso, iyo in Maalintaas loogu dabaal-dego [munaasabado] waxbarasho iyo wacyi-gelin dadweyne oo ku saabsan arrimaha la xiriira nabadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON