Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa shaacisay wadahadal gaargaar ah oo dhex maray wakiilka Q/Midoobay dhinac ah iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka iyo Madaxweynaha Hirshabeelle oo dhinac kale ah.
Ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulamo kala gaara khadka internet-ka kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaliya Mukhtaar Xuseen Afrax, iyo Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen ‘Guudlaawe’.
Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa kulamadaasi kadib shaaciyey muhiimadda uu leeyahay wadahadal dhammaan daneeyayaashu ay qeyb ka noqdaan si loo helo dib u heshiisiin ka dhacda Hirshabeelle, isagoo intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay in ay taageerto dadaallada nabadda.

