Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa kulan gaara la yeeshay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Kulanka ayaa ka dhacay Garoonka diyaradaha Muqdisho, daqiiqado kadib markii uu Qoorqoor kasoo laabtay dalka Turkiga, iyadoo dib u soo laabashadiisa la sheegay inay ka timid dalab ay u direen Wakiilada Beesha Caalamka.
“Madaxweynaha Galmudug iyo ergeyga gaarka ah ayaa ka wadahadlay dadaalada beesha caalamka ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020 ee Muqdishu iyo shirarkii guddiyada farsamo ee Baydhabo kusoo gabogaboobay 16ki Febraayo 2021” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Galmudug.
Sidoo kale shirkii labaad wuxuu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoo la yeeshay Danjiraha Dowladda Mareykanka U fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, iyadoo looga hadlay dadaalada Beesha caalamku ay ugu jirto qabsoomidda Shir lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka gaar ahaana heshiiskii 17kii September 2020.
Beesha Caalamka ayaa dadaal xoog leh ugu jirto qabsoomida shir lagu xaliyo khilaafka ka taagan hirgelinta doorashada oo shuruudo badan la hordhigay.

