Wednesday, June 25, 2025

Waqooyiga Kuuriya oo ku dhawaaqday inay soo rideyso Diyaaradaha Dagalka Mareykanka

Waqooyiga Kuuriya ayaa ku eedeysay Mareykanka inuu wado daandaansi dagaal, kuna iclaamiyay dagaal.

Wasiirka arrimaha dibadda Waqooyiga Kuuriya Ri Yong-ho ayaa magaalada New York ugu sheegay saxafiyiinta inay xaq u leedahay inay soo rido diyaaradaha dagaalka Bambooyinka xambaara ee Mareykanka.

Wuxuu caddeeyay in xitaa ay tallaabadaasi qaadi doonaan haddii aysan soo gelin xuduudka dalka Waqooyiga Kuuriya. “Dunida waa inay ogsoonaataa in markii hore uu Mareykanka dagaalka ku dhawaaqay..” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi.

Labada dal ayaa dhowaanahan is weydaarsanayay hanjabaadyo iyo cambaareyn, inkastoo ay xaaladda aad u kacsan tahay haddana xeel-dheerayaasha la socda arrintan ayaa meesha ka saaraya in dagaal toos ah dhex marayo Mareykanka iyo Waqooyiga Kuuriya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON