Sunday, July 13, 2025

Waqooyiga Kuuriya oo shaacisay xilliga duqeyn doonto Jasiirada Mareykanka ee GUAM

Iyadoo ay socdaan hanjabaadda iyo hadallada warbaahinta ay isu marinayaan Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa xaaladda kasii dartay markii K/Waqooyi ay shaacisay in qorshaha duqeynta Jasiirada GUAM uu diyaar yahay.

Warbaahinta dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa sheegtay in gantaalaha Hwasong-12 ee lagu duqeynayo Mareykanka ay dul mari doonaan dalka Japan ayna garaaci doonaan saldhigga ciidamada Mareykanka ee jasiirada Guam.

Arrintan ayaa ka danbeysay hanjabaad kulul oo madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku sheegay in Dab iyo holac ay la kulmi doonto Kuuriyada Waqooyi, la baab’in doono nidaamka xukunka dalkaasi.

Jasiirada Guam ee Waqooyiga Kuuriya qorsheyneyso inay duqeyso ayaa ku taalla Badweynta Baasifiga, waxaana ku yaala saldhig weyn oo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin, iyadoo ay degan yihiin dad dhan 163,000 qof.

 

Qorshaha duqeynta Jasiirada Guam ee Waqooyiga Kuuriya ayaa shaacisay ayaa lagu sheegay inuu diyaar noqon doono bartamaha bishan August, iyadooa la fulin doono marka uu ogolaado hoggaamiyaya dalkaasi Kim Jong-un.

“Gantaalla Hwasong-12, waxaa ridi doona ciidamada Waqooyiga Kuuriya, waxayna dul mari doonaan magaalooyinka Shimane, Hiroshima and Koichi ee dalka Japan,” ayay baahisay  wakaalad wararka dalkaasi KCNA, iyadoo soo xiganeysa taliyaha ciidamada General Kim Rak Gyom.

Map showing Guam

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON