Sunday, July 6, 2025

Waqtiga doorashada Madaxweynaha maamulka cusub ee G/dhexe oo la shaaciyay

Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Fedaraalka Soomaaliya ayaa shaacisay jadwalka dhameystirka maamulka shirka Cadaado iyo dooroshooyinka dowlad Goboleedka cusub ee Galmudug.

GOBOLADDA DHEXE

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiramaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa u mahad-celiyay Odayaasha Dhaqanka, Guddiga Farsamadda, Maamulka Xumin iyo Xeeb iyo dhammaan saaxiibadda beesha caalamka sida hufan ee ay uga qeyb qaateen dhismaha maamulka gobolladda Mudug & Galgaduud.

Wasiirka ayaa sheegay in muddo labo toddobaad gudahood ah la qaban doono doorashooyinka Gudoonka Baarlmaanka, Madaxweynaha & Ku xigeenkiisa.

Sidoo kale, Wasiir Odowaa ayaa sheegay in maalinta berri ah la dhaarin doono inta badan xubnaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug, kadibna la gudageli doono doorashooyinka madaxa hogaanka maamulka.

Jadwalka Dhameystirka Dhismaha Dowlad Gobolleedka Galmudug.

21/6/2015 – Sameynta kaararka aqoonsiga Xildhibaanadda

22/6/2015 – Xafladda dhaarinta Xildhibanadda, Magacaabista shir guddoon KMG

24/6/2015 – Sameynta Guddiga Doorashooyinka Gudoonka Baarlamaanka

27/6/2015 – Doorashadda Guddoonka Baarlamaanka

29/6/2015 – Sameynta Guddiga Doorashooyinka Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa

30/6/2015 – Qabashadda Liiska Musharaxiinta

02/7/2015 – Dhageysiga Khudbooyinka Musharaxiinta

04/7/2015 – Doorashadda Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa

 Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON