Wararka laga helayo magaalada Baydhaba ayaa sheegay in musharixiintii la baxay isbedel doonka ee Doorashada Maamulka K/Galbeed ay isaga hareen tartanka, iyadaoo taageero u muujiyey musharaxa Mukhtaar Roobow Cali.
5 Musharax oo sheegay inay u tartamayaan xilka madaxweynaha maamulka K/Galbeed, balse aan noqon musharixiin rasmi ah ayaa kulan ay ku yeesheen Galabta magaalada Baydhaba waxay ku shaaciyeen inay ka hareen tartanka ayna taageerayaan musharaxa wadaadka Muqtaar Roobow.
Waxay shirkooda saxaafadeed ku sheegeen in Sheekh Mukhtar Roobow uu xilligan badbaadin karo maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo dadaalkooda isugu geynaya sidii uu ugu soo bixi lahaa xilka madaxweynaha.
Musharaxiinta tartanka ka haray waxaa ka midaL Maxamed Aadan Fargeeti, Yuusuf Macalin Baadiyow, Saalax Sheekh Cismaan, Xuseen Kacaan iyo Xasan Amiin.
Kulanka ay musharixiintan yeesheen ayaa waxaa ka qeyb galay Mukhtaar Roobow oo halkaasi uga mahadceliyay, waxaana arrintan ay xaaladdan ay culeys kale ku keeneysaa dadaalkii dowladda Federaalka ku dooneysay inuu xilkaasi ku soo baxo musharaxa C/casiis Lafta-gareen.