AMISOM ayaa shaacisay in askari ka tirsan ciidamadeeda uu ka tegay xero ay ku leeyihiin degmada Qoryooley ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Askariga oo aan magaciisa la sheegin, isla markaana faahfaahin buuxda laga bixin ayay AMISOM sheegtay inuu xerada ka tegay kadibna la waayay, waxayna intaas ku dartay inay baadigoob la qaaday laga waayay dhulka ku wareegay xerada ilaa 3KM fogaan dhan.
AMISOM waxay barteeda twitterka soo dhigtay ay wado baaritaan xoog leh oo ay ku baadi goobeyso askariga la waayay.
An #AMISOM soldier deserted AMISOM’s defensive position at #Qoryooley today at 0800hrs. #Somalia.
— AMISOM (@amisomsomalia) December 21, 2016
Askariga AMISON ka tirsan oo la filayo inuu ka soo jeedo dalka Uganda ayaa xilliga uu iska dhaqaaqay waxaa wuxuu ku jiray difaac, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in askarigaasi uu ka goostay ciidamada AMISOM.
Waxaa laga cabsi qabaa inuu u galay kooxda Alshabaab, waana markii ugu horeysay ee askari ka tirsan AMISOM uu toos uga dhaqaaqo xeradii iyo ciidamadii uu ka midka ahaa, waxaana sidan oo kalay ay hore uga dhacday gobolka Bakool oo la soo weriyay in askari Itoobiyaan ah oo qorigiisa wata uu u galay Alshabaab.
Dhinaca kale Alshabaab ayaa shaacisay inay qabtay askari ka tirsan Alshabaab oo ay sheegeen in howlgal gaar ah ay ku qabteen.
Goobjooge.com