Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay kiis lagu kufsaday gabar yar oo lix sano jir ah.
Kiiskan ayaa lagu eedeeyay inuu geystay askari ka mida ciidamada milateriga qeybta 21aad, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in ciidamada ammaanka ay qabteen ninka falka geystay.
Taliye ku xigeenka Saldhiga Cadaado ninka lagu magacaabo Cumar Macalin ayaa sheegay inuu socdo baaritaan lagu hayo ninka lagu tuhunsan yahay kufsiga gabadha yar oo ay qabteen ciidamada ammaanka Galmudug.
Ninkan oo askari ah ayaa hadda ku xiran Xabsiga Cadaado, waxaana arrintan si weyn looga hadal hayaa magaalada. Waxaana askariga lagu qabtay kadib markii ay gabadha ka dhibaateeyay ay ka dhex aqoonsatay 30 qof oo uu ku dhex jiray.
Falalka kufsiga ah ayaa ku soo batay Koonfurta Soomaaliya, waxaana bilihii ugu danbeeyay dhacay kiisas fara badan oo qaarkood ay ahaayeen kuwo laga naxo.
Goobjooge.com