Monday, July 14, 2025

WAR CUSUB: Barlamanka Somaliya oo furaya Mooshin looga horjeedo saldhigga Imaaraadka ee Berbera

Guddoonka Baaralmaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Mooshin laga furayo Saldhigga Milateri ee dalka Imaaraadka Carabta ku yeelaneyso Magaalada Berbera.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa gabagabadii kulankii maanta ka sheegay in Arbacadda soo socota la furi doono mooshinka ku saabsan saldhigga milateri ee Berbera ay ku yeelaneyso Imaaraadka.

Mooshinkan oo dhowaan ay Guddoonka u gudbiyeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ayaa ku saabsan in sharci darro iyo xadgudub madax bannaanida Soomaaliya loo aqoonsado saldhiga ay Imaaraadku dooneyso inay ku yeelato magaalada Berbera iyo heshiiska ay la gashay maamulka degaankaasi ee Somaliland.

Arrinta saldhigga Imaaraadka ayaa muran weyn ka dhalisay gudaha Somaliland iyo dowladda Federaalka, waxaana Imaaraadka Carabta ay noqotay dowlad dano badan ka leh Soomaaliya oo maamul goboleed kasta heshiis gaara la galeysa iyadoo jebineysa xeerarka caalamiga ah.

Waxaa jira warar kala duwan oo sheegaya in dowladii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ay wax ka ogeyd heshiiska Berbera.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON