Wararkii ugu danbeeyay kiiska dilka iyo kufsiga Marxuumad Xamdi Maxamed Faarax oo Jimcihii ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen oo ay hayaan qof qirtay inuu falkaasi ku kacay.
Sida laga soo xigtay saraakiisha Booliska mid ka mida Raggii ku eedeysnaa Kufsiga iyo dilka Xamdi Maxamed Faarax ayaa bixiyey qiraal ku saabsan inuu falkaasi ku lgu lahaa, arintan oo weji cusub u fureysa kiiskan, isla markaana sii dheereyneysa Baaritaanka oo lagu raadineyo raggii kale ee falkan ku luga lahaa.
Marxuumad Xamdi ayaa Duhurnimaii Jimcaha lagu kufsaday, laguna dilay Daar ku taalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ehelkeeda, waxaana kadib laga tuuray dabaq 5 Biyaano ah, falkan oo xaalad naxdin leh ka abuuray caasimadda.
LA SOCO WIXII KUSOO KORDHA...