Sunday, July 13, 2025

WAR CUSUB: Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhexdooda ku dagaalamay Gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya dagaal dhex maray.

Warar kala duwan oo laga helay saraakiisha ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay dhexdooda ku dagaalameen saldhig ay ku lahaayeen degmada Ceelbuur.

Itoobiyaan-halgan08Dagaalkaasi ayaa la sheegay inay ku dhinteen askari dhowr ah, isla markaana qasaare kale uu jiro xilli ay xiisad ka dhex  taagan tahay ciidmada Itoobiya dhexdooda tan iyo markii gudaha Itoobiya ay bilaabatay kacdoonka qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada.

Iska hor imaadyada u dhaxeeya ciidamada Itoobiya dhexdooda ee ku sugan Soomaaliya ayaa ah markii labaad ee la soo weriyo, waxaana ay arrintan keentay in saraakiisha Itoobiyaanka ay banneeyaan degaano muhiim ah oo ka tirsan Gobolka Hiiraan, sida Moqokori, Ceel-cali iyo Halgan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON