Askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya ayay rasaas is-weydaarsadeen kolonyo ciidamo AMISOM iyadoo dadweyne kalena ay bililiqeysteen gaari AMISOM lahayd.
Arrintan ayaa caawa ka dhacay Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho kadib markii kolonyo ay lahaayeen Ciidanka AMISOM ay halkaasi ku jiireen Mooto Bajaaj ay la socdaan dad sahcab ah.
Shilka waxaa ku dhaawacmay saddex qof, waxayna ciidamada AMISOM isku dayeen inay gooba ka tagaan, laakiin waxaa hor istaagay ciidamo Booliska Soomaaliya, waxaana markii danbe ay xaaladu isku bedeshay mid cakiran.
Ciidamada AMISOM ayaa ku adkeystay inay ka tegayaan goobta dadka dhaawaca ah arrintoodana ay u yimaadaan xaruntooda, taasoo ay ka biyo diideen ciidamadii iyo dadkii isku soo ururay.
Rasaas ayaa ka dhacday goobta waxayna ciiidamada halkaasi tegay iyo kuwii AMISOM ay rideen rasaas, kadibna waxaa goobta ay AMISOM uga carareen goobta gaari xamuul ah oo dadweynaha ay boobeen.
Goobjooge.com