Saturday, June 28, 2025

WAR CUSUB: Dowladda Kenya oo fasaxday Diyaaradihii tegi jiray iyo kuwii uga imaan jiray Somaliya

Dowlada Kenya ayaa fasaxday diyaaradihii tegi jiray ama uga imaan jiray Soomaaliya, kadib muddo ay xayiraad saartay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya oo loo diray Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dib loo fasaxay Duulimaadyadii tegi jiray Soomaaliya iyo kuwii uga imaan jiray Kenya, iyadoo tallaabadaasi u qaaday si niyad wanaag ah.

Qoraalka ayey dowladda Kenya ku sheegtay inay arrintan horseedo in si buuxda loo soo celiyo, lana caadiyeeyo xiriirkii diblomaasi, ganacsi iyo isu socod ee dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Dhammaan dadka tegaya Kenya ayaa laga rabaa inay sitaan Shahaado caddeyneysa inaysan qabin cudurka Covid-19 oo baaritaanka laga qaaday muddo 3 maalmood gudahood ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON