Monday, July 14, 2025

WAR CUSUB: Eteriya oo bedeshay mowqifkeedii dhexdhexaadnimo, lana safatay Sacuudiga & Imaaraadka

Dowladda Erteriya oo hore mowqif dhexdhexaad ah ka qaadatay khilaafka dalalka Khaliijka ayaa hadda si buuxda ula safatay Sacuudiga iyo Imaaraadka.

War ay soo saartay Wasaaradda Warfaafinta Ereteriya ayaa lagu sheegay in tallaabada ay Dalka Qatad ka qaateen dalalka Sacuudiga, Imaaraaka iyo Baxreyn ay tahay mid dariiqa saxda ah ku socota, laguna xoojinayo nabadda iyo xasiloonida Gobolka.

Ereteriya oo xiriir weyn la leh Qatar ayaa hadda u muuqata inay u debacday culeyska ay saareen Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxaana ay bedeshay go’aankeedii hore, iyadoo taageertay tallaabada ay Qatar ka qaadeen dalalka Sacuudiga, Imaaraadka, Baxreyn iyo Masar.

Warka kasoo baxay Ereteriya laguma sheegin wax tallaabo dheeraad ah oo ay qaadeyso marka laga reebo taageerada mowqifka looga horjeedo dalka Qatar.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON