Monday, June 23, 2025

WAR CUSUB: Gaari xamuul ah oo dad badan ku laayay Magaalada Berlin, Jarmalka

Wararka laga helayo dalka Jarmalka ayaa sheegaya in weerar loo maleynayo inuu ahaa ulakac oo loo adeegsaday gaari weyn oo xamuul ah uu qasaare kala duwan geystay.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in gaariga xamuulka ah oo weerarka loo adeegsaday lagu jiiray dad ku sugnaa suuq ciida masiixiga ee Christmas-ka laga adeegto oo ku yaala magaalada Berlin.

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in 12 qof ay dhinteen iyadoo 50 kale ay ku dhaawacmeen. Waxaa goobta gaaray ciidamada Booliska oo xiray wadooyinka, waxaana la daad gureynayaa dhaawaca iyo dadka dhintay.

Booliska ayaa sheegay inay arrintan tahay shil culus, welina ma jiraan warar ku saabsan Dawaralka gaariga iyo sababta ka dambeysay. Booliska ayaase sheegay inay qabteen darawalkii gaariga waday oo la shegay inuu yhay nin qaxooti ah oo ka soo jeeda Afghanistan.
Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON