Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Mudane Bashiir Ciise Cali, ayaa shaaciyay in in Bankiga Dhexe ee Soomaaliya laga xaday lacag adag.
Guddoomiye Bashiir ayaa sheegay in lacagta laga xaday Bankiga dhexe ee hantida dowladda ah ay gaareyso lacag dhan $ 530,000 (Shan Boqol iyo Soddon Kun oo Doollar).
Wuxuu intaas ku daray in socdaan baaritaanno lagu ogaanayo halka uu ku sugan yahay khasnaji la baxsaday lacagtaasi, isla markaana marka la soo xaqiijiyo la hor geyn doono sharciga qof kasta oo ku lug yeelata xatooyada lacagta.
Goobjooge.com ayaa soo bandhigtay dhowaan in Khasnajigii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya uu la baxsaday lacag ku dhow 2 Milyan oo Doolar.
Akhri Warka Goobjooge.com
XOG CULUS: Khasnajigii Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo la baxsaday Lacag Malaayiin ah
Guddoomiyaha Bankiga Dhexe ma sheegin cidda loo heyso ama lagu tuhunsan yahay xatooyada lacagtaasi, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo xaalad kala guur ah uu dalk marayo.
Goobjooge.com