Thursday, June 26, 2025

WAR CUSUB: Guddoomiyaha G/Banaadir oo Gaadiidka AMISOM ka mamnuucay Wadadda Maka Almukarama

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa caawa soo aaaray amarro kala duwan.

Guddoomiyaha ayaa amarka hore uga mamnuucay gaadiidka Ciidanka AMISOM inay maraan wadadada Maka- Almukarama laga bilaabo Isgoyska Sayidka (Oto-Oto) laga bilaabo Saacadaha 6:00 Subaxnimo Ilaa 12:00 Habeenimo (saqda dhexe).

Amarkan ayaa yimid kadib markii ay gadiidka AMISOM ku lug yeesheen shilal far badan oo dadweyne ay ku waxyeeloobeen, taasoo dhalisay muran sharciyeed iyo xal ka gaarsita dadka AMISOM gaadiidkoodu jiiraan.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa mamnuucayo gaadiidka la dhigto (Parking) dhinacyada wadooyinka jidka:  Maka-Almukarama  iyo KM4 Ilaa Garoonka Aden Cade.

Lama oga sida loo fulin doono amarradan laakiin arrinta danbe ayaa ahayd codsi uu jeediyay taliyaha ciidamada wadooyinka Cali Gaab.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON