Xildhibaannada taageersan Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Mooshinku ka yaallo ayaa mar labaad ogolaaday in laga doodo mooshinka, kadib markii ay hore u diideen ayna shaaciyeen inuu waqtigiisii dhaafay.
Guddoomiye Jawaari iyo Xildhibaannada taageersan ayaa soo jeediyay inay ogol yihiin in mooshinka la guda galo, codna loo qaado si qarsoodi ah, iyadoo taasi shardi uga dhigay in kulanka Baarlamaanka uu ka dhaco Afisyoone.
Waa markii labaad oo xildhibaannada Garabk Jawaari ay sharci darro ka dhigaan Mooshinka, kadibna ogolaadaan, iyagoo markii ugu danbeysay sheegay inuu waqtiga ka dhacay oo laga gudbay mooshinkaasi.
Xaaladda ayaan kala caddeyn, iyadoo Garabka wada mooshink iyo guddoomiye Muudey ay qorsheynayaan inay Berri ku shiraan xarunta baarlamaanka oo ay cod u qaadaan Guddoomiye Jawaari.