Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa shaacyey inuu xiriir buuxa ay sameysteen labada dal ee saxiibada weyn la ah ee Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil.
Dhaxal sugaha Imaraadka Mohamed Bin Zayed iyo Ra’iisal wasaraha Israa’iil ayaa gaaray heshiis ay labada dal ku yeelanayaan xiriir caadi ah oo diblomaasiyadeed iyo heshiis nabadeed, taasoo uu madaxweyne Trump ku tilmaamay heshiis taariikhi ah iyo arrin weyn oo hore loo qaaday.
Imaaraadka ayaa muddooyinkii danbe si weyn ugu dhowaanayey Israa’iil, iyadoo iskaashi sirdoon la yeeshay Yuhuudda, waxaana dalka Israel tegay diyaaradaha ganacsiga Imaraadka.
Madaxda dalalka Imaaraadka iyo Israel ayaa la filayaa nay ka hadlaan arrintan, iyadoo la filayo inay hordhac u noqoto xiriiro kale oo dhex mara Isreal iyo dalal Carbeed oo Mareykanku gadaal ka riixayo sida Baxreyn iyo Sacuudiga.

Dhaxal sugaha Imaaraadka Maxamed Bin Zayid ayaa sheegay in heshiiskan lagu qaaray wadahadal dhex maray madaxweyne Trump, Ra’iisal wasaaraha Israel Netanyahu, isla markaan Isra’iil ay joojin doonto inay degaanka Galbeed qeyb ka midaku darsato dhulkeeda.
Tallaabadan Imaraadka qaaday ayaa kasoo horjeedo dhammaan qaraaradii dalalka Carabta oo dhan, iyadoo aan wax talo ah laga weydiin hoggaanka dadka reer Falastiin.