Safaaradda Mareyanka ee Soomaaliya ayaa war kasoo saartay shirka Dhuusamareeb 3 ee laga cabsi qabo inuu dib u dhac ku yimaado, kaasoo lagu go’aaminayo nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta.
Qoraalka goor dhow kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay inay si wey uga dhur sugayaan shirka Dhuusamareeb 3, isla markaana loo baahan yahay wadahadal sal ballaaran iy heshiis loo dhan yahay oo laga gaaro ay fure u yihiin xaaladda.
“Nooca Doorashada wuxuu u baahan yahay inuu noqdo mid ay wada taageersan yihiin Dowladda Federaalka, Maamul Goboleedyada, Baarlamaanka iyo dhinacyada kale (Saamileyda siyaasadda). Waa in Doorasho ku dhaqdaa waqtigeeda, mana jiro wax muddo kororsi ah” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Guddoonka Golaha Shacabka ayaa wada Doorasho Qof iyo Cod ah iyo in la helo muddo kororsi ilaa 2 sano ah, taasoo Mareykanku ka horjeestay, iyadoo farriintan ay si toos ah ugu socoto Baarlamaanka Federaalka iyo Madxweyne Farmaajo.