Alshabaab ayaa qabanqaabiyey munaasabad weyn oo nabaddoon loogu sameeyay Beesha Owbakar Gaabane oo ka tiesan beelaha Abgaal ee dega Gobolka Sh/Dhexe.
Munaasabadda ayaa dhacday degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waaana halkaasio lagu caleemo saaray Nabadoon Macallim Xusen Cabdulle Xaayow (Xuseyn Faraweyne), iyadoo uu xafladda ka qeyb galay Guddoomiyaha Alshabaab ee Gobolka Sh/Dhexe Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise (Kaba-ku-dukade).
Nabadoonka Alshbaab caleemo saartay ee Macallim Xusen Cabdulle Xaayow (Xuseyn Faraweyne) ayaa ku loo dhiiba Qori iyo Kitaabka Qur’aanka, wuxuuna ballan qaaday inuu beeshiisa ku hogaaminayo ku dhaqanka shareecada islaamka.
Hore ayey Alshabaab u caleemo saartay nabadoon o kala duwan oo uu ka mid yahay Imaam ay u sameysay beesha Abgaal oo lagu magacaabo Imaam Maxamuud Xaaji Xaamud oo ku sugnaa caleemo saarka nabadoonka cusub.
