Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ayaa lagu wadaa inay maanta dhawaaqdo go’aanka ay ka gaartay gelista Badda ee ku dhaxeysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya.
Labada dal ayaa isku heysa xariiqa xuduudeed ee Badda dhaxeysa, waxaana Maxkamadda laga sugayaa inay xukmiso inay dacwadaasi geli karto iyo inkale.
Kenya ayaa ku doodeysa inay jiraan is faham iyo heshiisyo dhex maray dowladda Soomaaliyana kiiskaasina uu yahay mid ay wadahadal ku dhameysan karaan labada dal oo aanay xaq u lahayn Maxkamadda inay soo dhex gasho.
Soomaaliya ayaa dalbaneysa in maxkamadda ay si toos ay dacwadaasi u gasho oo ay soo idlaadeen wixii wadahadal ahaa ee labada dowladood u dhaxeeyay, wax horumar ahna laga gaari waayay.
Haddii ay Maxkamaddu go’aamiso inay dacwadaasi galeyso ayay noqon doontaa guul usoo hoyatay Soomaaliya, iyadoo markaas kadib waqti dheer ay qaadan doonto in dacwada labada dal la guda galo.
Wafdi uu hoggaaminayo Xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Brussels, Dr. Cali Faqi Qareenada Soomaalida u doodaya ayaa tegaya Maxkamadda.
Go’aanka maxkamadda ayaa dhici doona 5-ta Galabnimo xilliga Soomaaliya, taasoo ku beegan 9:00 subaxnimo ee magaalada New York ama 2:00 Duhurnimo ee waqtiga London, waxaana ku dhawaaqi doona Guddoomiyaha Maxkamadda ICJ, Ronny Abraham.
Goobjooge.com