Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Jeneraal Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa ku eedeeyay saraakiil sare oo ka tirsan NISA inay ku lug lahaayeen qaraxyadii Jimcaha ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada Jeneraalka ayuu ku sheegay in ilo muhiim ah ay u sheegeen in saraakiil sare oo NISA ka tiran ay ku lug lahaayeen qaraxyadii argagixiso ee Jimcihii lala beegsaday Hotel Saxafi; isagoo intaas ku daray inuu ka xun yahay arrintaasi .
Taliyihii hore ee NISA Jen. Cabdalla Cabdalla ayaa xilka laga qaaday, iyadoo madaxweyne Farmaajo uu ka xayuubiyey dhamaan darajooyinkii ciidamada ee uu heystay, markii lagu soo eedeeyay inuu u gefay nidaamka dowladnimo, kadib wareysi uu siiyey VOA-da.
Jeneraalka ayaa markii xilka laga qaaday kadib noqday dibad joog, wuxuuna faafiyaa mararka qaarkood warar la yaab leh oo ku saabsan Hay’adda NISA oo sanado badan uu ka mid ahaa madaxdeeda, isagoo ku dooda inay Alshabaab u gacan gashay.