Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa la sheegay in shaqada laga joojiyay kadib markii lagu soo eedeeyay shaqo gudasho la’aan.
Cali Gaab oo SONNA ay ugu siisay xilka ah Taliyaha Hogaanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) ayaa beeniyey Warar been abuur ah oo ay baahiyeen Warbaahinta oo sheegay in kabadan 300 oo Askari oo booliska ka tirsan in shaqada laga eryey arrintaas ayuu Taliyaha ku tilmaamay mid been abuur ah oo sal iyo raad midna aana laheyn.
Gen. Cali Gaab o laf ahaantiis ka tegay xilka taliyaha Booliska Gobolka Banaadir bishii May ee sanadkan kadib markii muran Dhul ku lug yeeshay, balse xilkan cusub lasoo baxay ayaa faafhaahin ka bixiyay askarta Liiska shaqada laga saaray oo uu sheegay inaysan ahayn ciidamo shaqeynayey laakiin ay ahaayeen mar hore iskood uga tegay shaqada.
AKHRI: Taliyihii Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir oo xilkii iska casilay (Akhri sababta)
Dhowaan ayaa la shaaciyay in ka badan 300 askari oo shaqada ciidamada Booliska laga saaray, kuwaasoo la sheegay in magacyadooda ay ku jireen liiska ciidamada iyagoo aan wax shaqo ah heynin.
Goobjooge.com