War uu shaaciyay Garsoore ka tirsan Maxkamadda Rafcaanka ayaa lagu sheegay in lacag ka badan 200,000 Doolar laga xaday laanta Bankiga Dhexe ee Dekadda Muqdisho.
Garsoorahan oo lagu magacaabo Mukhtaar Nuur Abuukar wuxuu sheegay in lacagtaasi uu xaday Agaasimaha Laanta Bankiga Dhexe ee Dekadda Muqdisho Cabdi Maxamed Abuukar (Dhiiley), ayna dhan tahay 204, 000 doolar.
Wuxuu intaas ku daray in kiiska ay wax ka og yihiin xeer ilaaliyaha iyo garsoorayaasha maxkamadda gobolka Banaadir, iyo Guddoomiye ku xigeenka Bankiga dhexe Maryan Macalin oo uu sheegay inay qaraabo yihiin ninka lacagta xaday.
Kiiskan oo fadeexad weyn huwan isla markaana muddo dheer soo taagnaa ayaa waxa kaliya oo ku cusub inuu hadda saxaafadda u sheegay garsoore Mukhtaar Nuur Abuukar oo ah nin muran badan hore u dhaliyay oo ku kacsan xeer ilaaliyaha, horena u sheegan jiray xeer ilaaliye ku xigeen.
Goobjooge.com