Friday, June 27, 2025

WAR CUSUB: Madaxweynaha Cusub ee DDSI oo Magacii & Calankii ka bedelay Degaanka Soomaalida Itoobiya

Madaxweynaha cusub ee Soomaalida Itoobiya Mustaf Muxumed Cumar ayaa soo amarradii ugu horeeyay markii xilka loo magacaabay, kuwaasoo saameynaya magaca dowladda iyo Calanka.

Madaxweynaha Cusub DDSI ayaa amray in magacii hore Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu bedelo dowladda Soomaalida (Somali State), isla amrkaana dib loo soo celiyo Calankii ay ku jirtay xidigta Shanta Gees ee hore mamulkaasi u  isicmaali jiray, ayna ansixiyeen Baarlamaankii ugu horeeyey ee degaankaasi yeesho.

Kadib shir ka dhacay magaalada Adis ababa oo ay ku wehliyeen  mas’uuliiin ka tirsan Maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa labadan arrimood lagu go’aamiyey, wuxuuna balanqaaday inay ilaalin doonaan xuquuqda aadanaha.

Hotel ku yaalla magaalada Addis Ababa ayuu ugu sheegay dad lagu qiyaasay ilaa lixdameeyo qof in sidoo kale uu ka shaqaynayo sidii kalmadda Itoobiya looga reebi lahaa magaca dawlad deegaanka oo hadda ah Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, loogana dhigi lahaa dawlad Deegaanka Soomaalida.

“Cafarta oo degta Jabuuti, Itoobiya iyo Eritrea lama yiraahdo Cafarta Itoobiya, sidoo kalena Orommada oo degta Kenya iyo Itoobiya Lama yiraahdo Orommada Itoobiya, sidaa darteed iima muuqato sabab loo yiraahdo Soomaalida Itoobiya” ayuu yiri Mustafe Cagjar.

Wuxuu intaa ku daray in heesta calanka la soo celin doono qaybtii ku jiri jirtay ee ahayd Soomaaliyey toosa.

Maalmaha fasaxa ee dalka Itoobiya oo ah Sabtida iyo Axadda ayuu sheegay Mustafa in uu ka shaqayn doono inuu soo celiyo sidii jimcaha iyo Axadda looga dhigi lahaa deegaannada Soomaalida, ayadoo loo danaynayo Soomaalida iyo dadka aan muslimiinta ahayn.

Calankii hore ee dib loo qaadanayo
Calankii hore ee maamulkii Cabdi Iley ee laga tegay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON