Sunday, July 13, 2025

WAR CUSUB: Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo ku hanjabay inay xiriirka u jari doonaan Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ku hanjabay inuu maamulkiisa ka fiirsanayo xiriirka uu la leeyahay Dowladda Federaalka.

Isagoo ka hadlayay magaalada Beledweyne ayuu sheegay in dowlada federalka ay faragelin toos ah ku heyso arrimaha maamulkiisa isla markaana xuquuqdii Hirshabeelle ay ku takri fasho wasaarada Arrimaha Gudaha ee dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa  si toos ah u eedeeyay sheegay xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahin oo uu ku eedeeyay  inuu wakiilo u sameysto si shirarka caalamiga, sida shir dhowaan ka dhacay xarunta Xalane oo saabsanaa xasilinta nidaamka dowladnimada iyo maamulada degmooyinka.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa ku dhawaaqay inuu kala diray Guddigii Abaaraha Hirshabeelle, isla markaana uu magacaabay guddi heer wasiiro ah oo ka shaqeeya abaaraha jira, Guddigaas uu guddoomiye u yahay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle Maxamed Cali Caadle oo lacageed oo gaareysa $15,000 uu ku wareejiyay Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON