Tuesday, July 8, 2025

WAR CUSUB: Madaxweyne Farmaajo oo magacaabay Ra’iisal wasaare KMG ah

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qaaday tallaabo kale oo degdeg ah, isagoo soo saaray wareegto uu kusimaha xilka Ra’iisal wasaaraha ugu magacaabay Ra’iisal wasare ku xigeena Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu yiri: “Madaxweynaha kusimaha xilka Ra’iisal wasaaraha u magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed oo ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya sii socodsiinta iyo maareynta howlaha Golaha Xukuumadda si kumeel gaar ah”

Wareegtada Madaxweynaha ayaa ka danbeysay markii uu maanta si degdeg ah u taageeray kalsooni kala noqoshadii xukuumada ee uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.

Qoraalka madaxtooyada ayaa lagu sheegay inuu Ra’iisal wasaare ku xigeenka sii wadi doono howsha inta Madaxweynuhu soo magacaabayo Ra’iisul Wasaare soo dhisaya Xukaamad.

“Laga bilaabo faafintan, sida uu qabo Dastuurka Kumeel-gaarka ah waxa uu Kusime Ra’iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) awood u yeelanayaa hagidda hawlaha xukuumadda inta laga soo buuxinayo xilka Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in ay dalka ka dhacayso doorasho waqtigeeda ku qabsoonta oo lagu wada qanacsan yahay, waafaqsanna Dastuurka iyo Sharciga Doorashooyinka dalka iyo in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay ka shaqeynta qodobadii ku soo baxay war-murtiyeedkii Dhuusamareeb iyada oo shirka xiga loo ballansan yahay 15ka Ogoosto 2020” ayaa ka mid ahaa qoraalka Madaxtooyada kasoo baxay

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON