Wararka laga helayo dadlka Afghanistan ayaa sheegaya in ciidamada Mareykanka ay duqeyn ka fuliyeen magaalada Kaabul.
Duqeynta ayaa markii hore waxaa laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Milateriga Mareykanka, laakiin farriin uu faafiyey Afhayeenka Daalibaan Dabiixulah Mujaahid ayaa lagu xaqiijiyey jiritaanka duqeynta.
Afhayeenka Daalibaan ayaa sheegay in duqeyn xagga cirka ah oo ay geysteen ciidamada Mareykanka lala beegsaday Qof Is-miidaamiye (naftii hure ah) oo saarnaa Gaari, kaasoo doonayey inuu bartilmaameedsado Garoonka caalamiga ah ee magaalada Kaabul xilli Mareykanka uu halkaas ka wada daadgureyn, isuna diyaarinayo inuu ka guuro.
Dabiixullah Mujaahid ayaa farriin uu u diray saxafiyiinta ku sheegay inay duqeyntu dhacday maanta, kana dhacday gudaha magaalada Kaabul.
Dhacdadan ayaa dhacday markii boolisku sheegay in Gantaal lagu dhuftay xaafad waxyar u jirta Gegida diyuuradaha caalamiga ah ee Kaabul goor dhoweyd, waxaana guri uu ku dhacay ku dhintay ilmo yar.
Ma jirto koox durbadiiba sheegatay weerarka, laakiin waxaa lagu tuhunsan yahay kooxda Daacish iyo ee Khuraasaan.
