Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in koox goor dhoweyd hoobiyeyaal ku riday xaafada Ceelqalow ee degmada Wadajir, Muqdisho lagu raad joogo.
Kooxdan oo wadatay gaari ayaa ciidamada NISA ay baacsadeen, waxaana laga dilay mid ka mida iyadoo laba kale oo galay guri ay ciidamada ku hareereysan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in Gaariga hoobiyaha laga tuuray ay qabteen ciidamada, waxaana weli socda howlgalka ciidamada.
Ciidamada NISA ayaa gudaha u galay guriga ay galeen kooxda dableyda ah, waxaana laga soo badbaadiyay dad shacab ah oo ku jiray, isla markaana la qabtay mid ka mida kooxdii weerarka hoobiyaha geysatay ka mid ahaa.
DEGDEG: Gaari lagu qabtay Hoobiyeyaal oo Qarxay iyo Laba dabley oo la dilay [Wararkii ugu danbeeyay]
Goobjooge.com