Murankii ka taagnaa arrimaha xajka sanadkan ayaa la sheegay in lasoo gabagabeeyay, kadib heshiis ay isla gaareen dowladaha Sacuudiga iyo Soomaaliya.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa wafdi uu hoggaaminayo ku-simaha Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda u dirtay Sacuudiga, iyadoo qoraal ka socday Ra’iisal wasaare Kheyre la gaarsiiyey Wasaaradda Arrimaha Xajka Sacuudiga, waxaana ugu danbeyn lagu heshiiyey in Shan shirkadood oo Soomaali ah ay ka qeyb qaataan dhoofka xajka sanadkan.
Labadii Shirkadood ee hore u heysatay Xajka iyo tegista Sacuudiga ee Jubba iyo Daallo ayaa qaadi doona Xujey gaareysa 6000, halka shirkadaha danbe ee saddexda ah Freedom, Ocean iyo African ay qaadi doonaan 3300 xaaji, laakiin waxay rakaabka geyn doonaan garoomada Nairobi iyo Jabuuti, halkaasoo ay ka qaadi doonto diyaaradda Saudi Airlines.
Mas’uulka Safaaradda Soomaalida ee Arrimaha xajka u qaabilsan Safaaradda Soomaalida dalka Sacuudiaga Farxaan Sheekh Maxamuud ayaa Radio Dalsan oo xaruntiisu tahay Muqidsho u sheegay sheegay in Shanta Shirkadood ay labo ka mida: Jubba iyo Daalo ay si toos ah Muqdisho uga qaadi doonaan, halka Saddex kale oo kusoo korortay ay geyn doonaan xujeyda Nairobi iyo Jabuuti, isla markaana ay wakiisheen in halkaasi ay ka sii qaadaan shirkado kale oo ay ka mid tahay shirkadda Diyaaradaha Sacuudiga.
Dowladd Soomaaliya ayaa dagaal weyn la gashay ganacsade ahna Xildhibaan leh Shirkadda Jubba Siciid Nuur Giriish oo muddo dheer heystay leynka xajka, kadib markii uu diiday inuu yareeyo qiimaha lagu tago xajka oo qofkii ah lacag ku dhow 3900.