Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in nin dhaawac ahaa oo la dhigay mid ka mida isbitaallada Muqdisho lagu dhex dilay isbitaalka markii dabley hubeysan ay uga daba tageen.
Falkan ayaa ka dhacay Isbitaalka Keysaney ee degmada Kaaraan, magaalada Muqdisho, waxaayna arrintan ka danbeysay markii shaqaaqo ka dhacday degaanka Ceelka Cali Geedi ee degmada Kaaraan oo laba maleeshiyo ay ku dagaalameen.
Dagaalka oo dhaliyey qasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac ayaa qof ka mida dadkii dhaawaca ahaa la dhigay Isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, laakiin waxaa uga daba tegay dabley hubeysan, iyadoo qof ka mida dadkii dhaawaca ahaa oo markaas ku sugnaa qeybta degdega ah ee isbitaalka ay halkaasi ku dileen.
Wararka ayaa sheegay kooxda dableyda ah ee weerarka ku qaaday Isbitaalka iyo ilaalada Isbitaalka isku dhac dhex maray, waxaana markii halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya, iyadoo ay fal cusub oo aan hore loo arag.