Oday ka mida odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ka mida odayaasha sharciga ah 135-ta oday dhaqameed ee ka soo jeeda Gobollada Waqooyi ayaa lagu xiray Muqdisho.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa Nabadoon Maxamed Jaamac ayaa xabsiga dhigay iyadoo ka kaxeystay Hotel uu ku jiray magaalada Muqdisho.
Wasiir Maareeye oo lagu soo eedeeyay inuu soo qortay Ergadii Doorashada ee Beeshiisa
Ciidamadan ayaa wararku sheegayaan inay ahaayeen kuwa nabadsugidda ayaa u sheegay nabadoonka inuu xiran yahay, iyagoo kadib u kaxeystay meel aan la garaneyn, sida uu sheegay nabadoon kale oo la socday.
Xariga nabadoonkan ayaa yimid kadib markii uu wareysi siiyay mid ka mida Idaacadaha Muqdisho isagoo sheegay in Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) uu qortay ergo been abuur ah oo sharci darro ah si loogu soo doorto xildhibaanka beesha Habar Jeclo.
Xarigan ayaa noqonaya tacadigii ugu weynaa ee lagula kaco odayaasha dhaqanka ee ka mida 135-ta oday ee soo xuleysta ergada doorashada, xilligan loolanka doorashada lagu jiro.
Goobjooge.com