Friday, July 18, 2025

WAR CUSUB: Prof. Jawaari oo kala diray Madashii Qaranka, soona saaray beenin war-murtiyeedkii Galmudug

Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya, balse aan weli xilka loo dhaarin ayaa kala diray Madasha Qaran ee ka kooban madaxdii dowladdii hore iyo maamul Goboleedyada oo uu hore uga mid ahaa.

Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari aya qoraal uu soo diray bartiisa twitterka ayuu ku sheegay inuusan ka qeyb gelin shirkii dhowaan la shaaciyay in Madashu ay khadka telefoonka ku yeelatay oo laga soo saaray war ku saabssan xiisada siyaasadeed ee Galmudug.

Qoraalka kooban ee Jawaari ayaa inaysan sharci ahaan aanay hadda jirin madal shaqeysa oo waqtigeedii dhammaaday.

Prof. Jawaari oo hore uga mid ahaa Madasha ayaa hadda u muuqda inuu iska fogeeyay kadib markii uu xaqiijiyay inuu xilka dib ugu soo laabtay.

Go’aanka Guddoomiyaha dooran ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa dharbaaxo siyaasadeed ku ah madaxdii Madasha Qaran ee markii hore lagu eedeeynayay inay sharci daaro ku  dhisan yihiin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON