Monday, June 23, 2025

WAR CUSUB: Gen. Gaafow oo beeniyay in dib loogu magacaabay Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha

C/lllaahi Gaafow Maxamed ayaa beeniyay in loo magacaabay Taliyaha Hay’adda socdalka iyo jinsiyadaha.Qoraal la sheegay inuu ka kasoo baxa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliyaoo ku saabsan magacaabidiisa ayuu sheegay inuu yahay mid been ah oo aanay waxba ka jirin

C/lllaahi Gaafow Maxamed ayaa beeniyay in loo magacaabay Taliyaha Hay’adda socdalka iyo jinsiyadaha, wuxuuna ku eedeeyay in madaxtooyada laga faafiyay qoraalkan, taasoo abuurtay shaki kale oo ah in madaxtooyada ay diiday magacaabidiisa xilkan cusub.

“Waan garanayaa been abuurkaas dadka ka dambeeyay, Xarunta Madaxtooyada  iyo Hoteelada ayay ku sugan yihiin, waana fool xumo in dadka farsameeyay Saxiixa Ra’isul Wasaaraha in iyagoo la yaqaano ay ku dhex sugan yihiin Madaxtooyada iyo Hoteelada ku yaala Magaalada Muqdisho”ayuu si kulul u yiri Jen. Gaafow.

Ad

Qoraal la sheegay inuu ka kasoo baxa Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliyaoo ku saabsan magacaabidiisa ayuu sheegay inuu yahay mid been ah oo aanay waxba ka jirin

Gen. Gaafow ayaa hore u looga soo xigtay inay ku ballan fureen Ra’isal wasaaraha iyo madaxweynaha oo markii u hore u xaqiijiyay inaysan xilka ka qaadi doonin.

Qoraal lagu sheegay inuu kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa si weyn loogu faafiyay baraha bulshada, waxayna wararku sheegayaan in laga noqday arrintan kadib markii muran ka dhashay arrinta awood qeybsiga beelaha.

- Advertisement -


HOOS KA AKHRI QORAALKA LAGA FAAFIYAY

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON