Thursday, June 26, 2025

WAR CUSUB: Siyaasiyiinta iyo Odayaashii ugu danbeeyay oo ka tegay Beledweyne kuna sii jeeda Jowhar

Wararka laga helayo magaalooyinka Beledweyne iyo Muqdisho ayaa sheegaya in odayaasha iyo siyaasiyiintii ugu danbeeyay ee ku sugnaa magaalada Beledweyne ay isaga tageen halkaasi oo ay ku sii jeedaan magaalada Jowhar.

Saddex ka mida labadii Duub ee ku sugnaa Beledweyne ayaa Muqdisho gaaray iyadoo ku sii jeeda magaalada Jowhar, waxaana hadda magaalada ku haray oo qura Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo keligii ku haray.

Dhinaca kale guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed, maamulkii Hiiraan iyo siyaasiyiin kale ayaa shalay kasoo duulay magaalada Beledweyne oo soo gaaray Muqdisho, waxaana lagu wadaa inay maanta tagaan magaalada Jowhar oo dhismaha maamulka Hirshabeelle gabagabo marayo.

Arrintan ayaa ka dabeysay cadaadis ay beesha caalamka saartay xubnihii diidanaa shirka Jowhar, waxaana ay arrintan keentay isbedel weyn.

Ugaas Xasan oo la filayay inuu isna yimaado Muqdisho  ayaa la sheegay inuu weli ka caga jiidayo arrintan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON