Tuesday, June 24, 2025

WAR CUSUB: Wasiir ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku baaqay in Shariif Xasan laga mamnuuco Doorashada Madaxweynaha -Dhageyso

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si weyn u cambaareeyay madaxweynaha maamulkaasi, isagoo dalbaday in laga saaro musharixiinta madaxweynaha.

Wasiirka Diinta iyo awqaafta  Maamulka Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Barre (Macalin Barre) oo ka kulan ay yeesheen xubno ka mida xildhibaanada iyo wasiirada K/Galbeed ayaa si kulul uga hadlay musharaxnimada Madaxweynaha Soomaaliya ee Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wasiir Macalin Barre wuxuu sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Koonfur Galbeed, dadkiisa ay dulleysan yihiin, Baarlamaankiisa aanu shaqeyn, mar walibana uu diyaarad saaran yahay.

“Waxaan beesha caalamka ka codsanaa in Shariif Xasan laga mamnuuco Doorashada Soomaaliya…” ayuu yiri Wasiirka oo ku dhaartay inuu diyaar u yahay inuu xaqa ku dhinto.

DHAGEYSO 

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON