Wednesday, June 25, 2025

WAR CUSUB: Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo Korontadii laga jartay & Shirkii Golaha Wasiirada oo baaqday

Shirkii Golaha Wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee xilka sii haya ayaa maanta u baaqday arrin la yaab leh kadib markii xafiiska Ra’iisal wasaaraha laga jartay Korontadii.

Golaha Wasiirada ayaa u tegay xafiiska kadib markii loogu yeeray inay soo xaadiraan shirkoodii toddobaadlaha ahaa, laakiin waxay la kulmeen in xafiiska uu ahaa koronto la’aan.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib markii shirkadii shidaalka siin jirtay Matoorada xafiiska ay joojisay inay shidaal kale bixiso, taasoo ay ugu wacan tahay in deymo lagu yeeshay xafiiska Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu bixin waayay.

Wasaaradda Maaliyada ayaa hore uga joojiyay xafiiska Ra’iisal wasaaraha kharashkii uu ka qaadan jiray Bankiga Dhexe kadib markii uu amray madaxweyne Xasan Sheekh.

Ra’iisal wasaaraha uu arrintan ka carooday ayaan la ogeyn tallaabada uu qaadi doono, inkastoo xiriirka kala dhaxeeya Madaxweynaha uu sii xumaaday tan iyo markii uu shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON