Wednesday, June 25, 2025

Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Jubbaland oo laga masaafuriyay Magaalada Kismaayo

Wrarka laga helayo magaalada KIsmaayo ayaa sheegaya in xildhibaan ka tirsan Maamulka Jubbaland laga soo masaafuriyay magaaladaasi.

Xildhibaankan oo lagu magacaabo Cali Maxamed Guure, ayaa la sheegay in uu faraha kula jiray olole mooshin laga diyaarinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jubbaland oo ay isk jufo yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanka amar lagu siiyay inuu ka baxo magaalada Kismaayo, kadib markii uu arrinta soo farageliyay madaxweynaha Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) kadib markii uu diiday inuu ka laabto mooshinka.

Xildhibaan Cali Maxamed Guure ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu afka dheer ee maamulka Jubba, waxaana tallaabadan ay noqoneysaa tii ugu horeysay ee lagula kaco xildhibaan maamul goboleed.

Xildhibaanka ayaa markii danbe beeniyay inay jirto masaafuriska iyo mooshinkaba kadib markii waanwaan laga gaaray arrinta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON