Dhaqtarka xulka dalka Masar Mohamed Abul callaa ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray laacibka kooxda Liverpool iyo xulka Masar Mohamed Salah uu yahay mid ka haleelay garabka bidix halka uu iska galo.
Laacibka oo ciyaartii kama danbeysta ee horyaallada Qaarada Yurub ku dhaawacmay daqiiqadii 31-aad markii uu dibriyey difaaca Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa garoonka laga saaray, isagoo ilmeynaya.
Dhaqtarka Xulka Masar ayaa boggiisa Facebook ku sheegay inuu aad ugu rajo weyn yahay inuu Mohamed Salah xulka Masar ku soo biiri doono, isla markaana uu ka qeyb geli doono ciyaaraha kubadda cagta adduunka ee Russia 2018, sida ay caddeyneyso baaritaan raajo ah oo kooxda Liverpool ay ka qaaday laacibka, isagoo telefoonka loogu sheegay in dhaawaca aanu weyneyn.
HOOS KA DAAWO DIBIRTII RAMOS KU GAARAY MOHAMED SALAH
دموع محمد صلاح @MoSalah بعد الإصابة في النهائي الحلم.. #beINUCL #UCLFinal pic.twitter.com/tdERGn2UFw
— beIN SPORTS (@beINSPORTS_MENA) May 26, 2018
Kooxda Liverpool ayaa sheegtay inaysan ku degdegi karin xaaladda ciyaaryahanka inta ay ka soo dhammaanayaan baaritaannada lagu hayo xaaladda dhaawiciisa, laakiin jamaahiirta reer Masar ayaa welwelka ugu weyn ee heysta uu yahay in ciyaaraha adduunka oo dalkooda markii ugu horeysay in muddo ah u soo baxay uu ka maqnaan doono Mohamed Salah.