Tuesday, June 24, 2025

War-Murtiyeed ka soo baxay Shirkii Musharixiinta Madaxweynaha ee Muqdisho (Akhriso 7-da Qodob ee ugu muhiimsan)

Shirkii Wadatashiga Musharixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa laga soo saaray goor dhoweyd, markii uu muddo shan maalmood ah socday.

War-Murtiyeedka shirka oo uu Saxaafadda u akhriyey Ra’iisal wasaare ku xigeenkii hore Ridwaan Xersi ayaa lagu dalbaday in la kala diro Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal iyo Maamul Goboleed ee la magacaabay, laguna soo dhiso wadar ogol.

Qodobadda ugu muhiimsan ee War-murtiyeedka Musharixiinta Madaxweynaha, waxaa ka mida:

1- In la kala diro dhammaan Guddiyada Doorashooyin heer federaal iyo dowlad Goboleed, laguna soo dhiso wadatashi ay ka qeyb galaan Musharixinta.

2- In gudodomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi oo ka mida hoggaanka dalka ugu sareeya uu Sharciyad u heyso magacaabidda xubanaha Guddiyada Doorashada iyo xalinta khilaafaadka ee Somaliland.

3- In Doorashada xildhibaannada labada Aqal ee kasoo jeeda Somalland lagu qabto Teendhada ciidamada Cirka ee xerada Afisyoone, ayna goobjoog ka noqdaan beesha caalamka, ururadda bulshada iyo wakiilada mushirixiinta.

4- In dowladda Federaalka dib ula laabato ciidamada ay sida sharci darrada ah u geysay Gobolka Gedo, si looga qabto doorasho.

5-In xulista ergada ay iska kaashadaan odayaasha dhaqanka iyo qeybaha bulshada; dowlad goboleedyaduna ku ekaadaan diiwanagelinta ergooyinka.

6- in Madaxda dowlad Goboleedyada aysan guda gelin doorasho aan la isku waafaqsaneyn, musharax gaar ahna aysan taageerin. Haddii dowladda ku socoto doorasho aan heshiis lagu ahayn inay qaban doonaan Doorasho dalka lagu badbaadinayo.

7- Inuu xilka Hay’adda NISA iska casilo Agaasimaha Fahad Yaasiin, maadaama uu ku milmay ololaha doorashada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON