Isbitaalka DEVA ee Muqdisho albaabada ayaa loo laabayaa waxaana Qalabkiisii oo lagu wareejinayaa Isbitaalka Ordogan (Digfeer)
Sida uu sheegayo war laga soo xigtay Safaaradda Turkiga ee magaalada Muqdisho, waxaa la go’aansaday in la baabi’iyo isbitaalka DEVA ee magaalada Muqdisho oo hore ay u maamuli jireen hay’adda NILE Acadamey oo raacsan Fatxulaah Gulem dowladda Turkiga ku eedeysay inuu ka danbeeyay inqilaabkii dhicisoobay ee 15-kii July ka dhacay dalkaasi.
Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo shaacisay inay la wareegtay maamulka saddex dugsi iyo Isbitaalka DEVA ayaa laga soo xigtay inay isbitaalka DEVA gebi ahaan albaabada loo xirayo, isla markaana qalabka caafimaad ee yaala lagu wareejiyo isbitaalka Ordogan (Ex. Digfeer) oo dowladda Turkiga ay maamusho.
Akhri: Safaaradda Turkiga ee Muqdisho oo la wareegtay maamulka Dugsiyada & Isbitaalka DEVA
Arrintan ayaa naxdin weyn ku ah dadka Muqdisho iyo bukaada ku xirnaa adeegyadii caafimaad ee uu bixin jiray Deva Hospital, iyadoo ay ka soo horjeedo balanqaadii xukuumadda Soomaaliya ee ahaa inay sii socon doonaan adeegyada isbitaalka DEVA.
Halkan ka akhri warka Wakaalada wararka Turkiga warka ay ka qortay arrintan
The source said the hospital operated by the Nile Academy will be closed down and its property will pass to the Somalia-Turkey Training and Research Hospital.
Isbitaalka DEVA ayaa ahaa mid lacag ah, lakiin bixiya adeegyo caafimaad oo heerkoodu wanaagsan yahay, waxaana inta badan la heli jiray dhaqaatiirtiisa, halka Isbitaalka Ordogan ay dilootay dhaqaatiir la’aan, waxayna hadda xaaladu u muuqataa in Isbitaalki DEVA uu gebi ahaan meesha ka baxayo, iyadoo aanay jirin dhaqaatiir iyo awood ay ku sii wadi karaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya.
Qalabka casriga ah ee uu ku shaqeyn jiray Isbitaalka DEVA oo qiime badan ku fadhiya ayaa la filayaa in dowladda Turkiga ay la wareegto iyadoo ay ahayd hanti gaar loo leeyahay.
Goobjooge.com