Sunday, July 13, 2025

Wararkii ugu dabeeyay ee Roobab Dabeylo wata oo ka socda degaano ka tirsan Puntland & Qasaaraha ay geysteen

Maamulka Puntland ayaa faahfaahin ka bixiyey qasaaraha ay dhaliyeen roobab dabeylo wata oo ka da’aya degaano ka mida maamulkaasi.

Wasiirka Arrimaha gudaha maamulka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa sheegay in Roobabka dabaylaha wata ay qasaare ka gaysteen degaanno ka tirsan Puntland ee ku teedsan xeebaha gobollada Bari, Sanaag iyo Nugaal, ayna sababeen dhimasho qof iyo qasaare kala duwan oo hantiyeed.

Qasaaraha waxaa ka mida Doon kalluumeysi oo ku degtay xeebaha degmada Caluula iyadoo degaanka Ceelaayo ee gobolka Sanaag ay Baddu la tagtay ilaa 4 Doonyood, wuxuu kaloo intaas ku daray in degaaka Garmaal ee Nugaal ay Daadad ka dhashay Roobka ay qaadeen xoolihii Lix qoys oo Reer miyi ah, ayna degaano kala duwaan guryo badan ku dumeen iyo isgaarsiintii oo go’day.

Roobabka ayaa si xowli ah ku socda, waxaana digniin hor leh loo jeediyey dadka ku dhow xeebaha Gobollada Bari iyo Nugaal iyo Sanaag.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON