Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Qarax ka dhashay Bam gacmeed lagu qaaday askar ka tirsan ciidamada maamulka K/Galbeed.
Qaraxa ayaa lagu weeraray Maqaayad yar oo ay ku sugnaayeen askarta maamulka Koonfur Galbeed xiligii afurka. Waxaa la sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 4 qof oo shacab ah, kuwaasi oo markiiba loo qaaday isbitaalka magaalada.
Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada ayaa sheegaya in xaalada ay degan tahay, iyadoo ciidamada amniga ay baaritaano ka sameeyeen goobta weerarka ka dhacay, iyadoo la xiray goobaha ku dhow goobtaasi
Bisha Ramadaan ayaa lagu yaqaan in kooxda Alshabaab ay kordhiyaan weerarrada iyo qaraxyada magaalooyinka aysan ka talin.